Waxa sharaf noo ahayd inaan maalintii shalay ahayd seminar muhiim ah ku qabanno Capital University. Waxaan fursad u helnay inaan ardayda kala hadalno The importance of seeking counselling support: reducing stigma around mental health services.
In la daryeelo caafimaadka maskaxda macnaheedu maaha daciifnimo, balse waa geesinimo iyo talaabo loo qaaday dhanka nolol ka tayo badan.
NAFCARE counselling services waxaa naga go’an inaan bulshadeenna u noqonno buundo, si qof kasta uu u helo jawi nabdoon oo uu kaga hadlo dareenkiisa.
Mahadsanidiin dhammaan ardaydii iyo maamulkii Capital University ee noo suurtogeliyay kulankan qiimaha leh! 
NafCare — Degganaansho iyo nolol tayo leh.